Dowladda Soomaaliya oo saakay xubno ka tirsanaa Al-shabaab ku toogatay Muqdisho.

0

Muqdisho — Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta fulisay xukun qisaas ah oo horay ugu riday Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida laba ruux oo lagu eedeeyay inay ka dambeeyeen dilal iyo qaraxyo ka dhacay caasimadda.

 

Ragga lagu fuliyay xukunkooda ayaa kala ahaa Xasan Cali Iftiin Buule (Gacmey) iyo Xasan Cali Ibraahim Maxamed Axmed, oo loo yaqaanay magacyada Baari, Biibaaye, iyo Sacad.

Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ayaa horay ugu xukuntay qisaas kaddib markii lagu helay dambiyo la xiriira dilal iyo qaraxyo sababay dhimasho iyo dhaawac soo gaaray muwaadiniin Soomaaliyeed, sida lagu sheegay war rasmi ah oo ka soo baxay hay’adaha garsoorka.

Fulinta xukunka ayaa qeyb ka ah dadaallada dowladda ay ku doonayso xoojinta amniga iyo la dagaallanka falalka argagixisada ee ka dhaca caasimadda Muqdisho.

Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ayaa mar kale ku celiyay in cid kasta oo ku lug yeelata falal amni darro ah lala tiigsan doono sharciga, isla markaana la horkeeni doono maxkamad.

May be a graphic of one or more people, beard and text

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here