Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka Qayb Galay Shir Ku Saabsan Mustaqbalka Qaramada Midoobay

0

Addis Ababa, Itoobiya — Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa ka qayb galay shir heer sare ah oo ku saabsanaa mustaqbalka Qaramada Midoobay, kaas oo ka qabsoomay magaalada Addis Ababa.

 

Shirkan ayaa ka mid ahaa kulan-doceedyada muhiimka ah ee ka barbar socday Shir Madaxeedka Midowga Afrika, iyadoo diiradda lagu saarayay dib-u-habeynta iyo waxtarka hay’adaha caalamiga ah.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in Qaramada Midoobay ay wajahday caqabado ay ka mid yihiin colaado daba dheeraaday, loollan siyaasadeed iyo cadaadisyo dhaqaale, kuwaas oo saameyn ku yeeshay hufnaanta iyo kalsoonida lagu qabo hay’adda. Wuxuu carrabka ku adkeeyay in loo baahan yahay dib-u-habeyn lagu waafajinayo nidaamka caalamiga ah duruufaha maanta jira.

Sidoo kale, Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa xusay in Afrika ay door muuqda ku leedahay ajandaha nabadda iyo amniga caalamka, gaar ahaan hawlgallada nabad ilaalinta iyo dadaallada xasillinta. Wuxuu tilmaamay in qaaraddu weli ka maqan tahay matalaad joogto ah oo ay ku yeelato Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, arrintaas oo uu ku baaqay in dib u eegis degdeg ah lagu sameeyo.

Gabagabadii, Madaxweynaha ayaa ku baaqay midnimo iyo diblomaasiyad joogto ah si loo xaqiijiyo dib-u-habeyn dhab ah oo ku dhisan caddaalad iyo sinaan, isaga oo caddeeyay in Soomaaliya ay ka go’an tahay xoojinta iyo cusboonaysiinta Qaramada Midoobay si loo dhiso nidaam caalami ah oo ay dhammaan qaaraduhu ku leeyihiin ka-qaybgal iyo matalaad loo siman yahay.

May be an image of one or more people and text that says "園 Exil JOM GHAN VA PRANDAN NDIAN .. GYPT BEN B"May be an image of ‎one or more people, table, crowd and ‎text that says "‎ب EXECU MANS PRE‎"‎‎

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here