MUQDISHO — Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed ayaa magaalada Muqdisho ka wada kulamo ay kaga hadlayaan xaaladda guud ee dalka, iyadoo madaxda goluhu la yeesheen ururrada bulshada Soomaaliyeed kulankana uu ka dhacay Airport Hotel oo ku yaalla xayndaabka garoonka diyaaradaha ee xerada Xalane.
Kulankan ayaa diiradda lagu saaray arrimaha siyaasadda, amniga iyo shirka dhowaan ay qorshaynayso in ay yeeshaan Dowladda Federaalka iyo Golaha Mustaqbalka, si looga hortago hubanti la’aan iyo firaaq dastuuri ah oo dalka ka jirta.
Waxaa goob joog ka ahaa kulanka madaxweynihii hore Sheekh Shariif Sheekh Axmed, ra’iisul wasaareyaashii hore Xasan Cali Khayre iyo Maxamed Xuseen Rooble, iyo sidoo kale madaxweynayaasha Puntland iyo Jubaland, Saciid Cabdullaahi Deni iyo Axmed Madoobe.
Kulankan oo ahaa mid dood furan iyo is-weydaarsi aragtiyeed ayaa ka horreeyay kulamo kale oo dhexmaray madaxda Puntland, Jubaland iyo madaxweynihii hore Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo ra’iisul wasaarihii hore Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke. Kulamadaas ayaa sidoo kale looga hadlay xaaladda dalka iyo sidii looga gudbi lahaa marxaladda kala guurka ah ee ay Soomaaliya ku sugan tahay.
Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed ayaa sidoo kale dhawaan la kulmay qaar kamid ah xildhibaannada Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya, iyagoo ka wadahadlay waxyaabaha ugu muhiimsan ee ay tahay in la isla meel dhigo ka hor inta aan la gaarin shirka ballansan.
Shirka u dhexeeya Dowladda Federaalka iyo Golaha Mustaqbalka ayaa lagu wadaa inuu ka furmo Muqdisho, inkastoo weli ay jirto khilaaf ku saabsan goobta uu ka qabsoomayo.
Madaxweynaha Federaalka Xasan Sheekh Maxamuud ayaa doonaya in shirka lagu qabto Villa Soomaaliya, halka Saciid Deni iyo Axmed Madoobe ay u arkaan in goobta ugu habboon ee shirka lagu qaban karo ay tahay gudaha Xalane, maadaama ay ka walaacsan yihiin arrimaha amniga.
Madaxda Puntland iyo Jubaland ayaa caddeeyay inaysan ka tagi doonin magaalada Muqdisho ilaa heshiis buuxa laga gaaro arrimaha lagu muransan yahay, iyagoo Madaxweynaha ugu baaqay inuu si dhab ah u wajaho wada-hadallada loo ballansan yahay.
Golaha Mustaqbalka ayaa sidoo kale ku adkeystay in dalka u baahan yahay badbaado siyaasadeed iyo in heshiis laga gaaro habka doorashooyinka, iyadoo muddo xileedka Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud bilo kooban ka harsan yihiin.
Soomaaliya ayaa haatan wajahaysa mid ka mid ah caqabadihii ugu adkaa ee siyaasadeed, waxaana weli la isku hayaa nooca doorashooyinka guud ee dalka iyo wax ka beddelka dastuurka, arrimo ay ku kala aragti duwan yihiin Villa Soomaaliya iyo mucaaradka.






