Barnaamijka Garnaqsi ee Shabelle oo Lagu Martiqaaday Xildhibaan Daahir Jeesow

0

Muqdisho — Warbaahinta Shabelle ayaa qabatay barnaamijkeeda doodaha siyaasadeed ee “Garnaqsi”, oo ah barnaamij diiradda lagu saaro arrimaha xasaasiga ah ee siyaasadda dalka, laguna martiqaado siyaasiyiin saameyn ku leh bulshada dhexdeeda.

 

Kulankan ayaa waxaa marti ku ahaa Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow, oo ka mid ah mucaaradka Dowladda Federaalka, isla markaana xubin ka ah Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed, oo ay ku mideysan yihiin madaxdii hore ee dalka iyo qaar ka mid ah madaxda dowlad-goboleedyada.

Madasha doodda waxaa ka qeyb galay qaybo kala duwan oo bulshada ah, kuwaas oo su’aalo ku saabsan mowduuca dooda “Doorashada Qof iyo Cod iyo diidmada Mucaaradka”  si toos ah ugu weydiiyay xildhibaanka.

Xildhibaan Jeesow ayaa si adag uga hadlay mowqifkiisa ku aaddan hannaanka doorasho ee ay xukuumaddu waddo, isaga oo sheegay in mucaaradku aanu ka soo horjeedin doorasho qof iyo cod ah, balse ay qabaan shuruudo iyo walaacyo la xiriira hufnaanta, amniga iyo hannaan loo dhan yahay.

Isagoo si toos ah uga hadlayay Madaxweynaha, ayuu yiri: “Madaxweynaha Xasan Sheekh Maxamuud iyo aniga haddii aan tartanno, anigaa doorasho qof iyo cod ah uga badinaya.” Wuxuu sidoo kale dhaliilay diidmada la xiriirta in shirarka qaarkood lagu qabto gudaha Xalane, isagoo ku dooday in wada-hadalladu u baahan yihiin isu tanaasul iyo kalsooni dhisid.

Barnaamijka ayaa kusoo dhammaaday dood furan oo muujisay kala aragti duwanaanta xooggan ee ka jirta siyaasadda dalka, gaar ahaan arrimaha doorashooyinka iyo goobaha lagu qabanayo wada-hadallada u dhexeeya dowladda iyo mucaaradka.

Daawo dooda iyadoo dhameystiran.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here