Shabeellaha Hoose, Soomaaliya — Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, oo ay weheliyaan Wasiirka Arrimaha Gudaha, Cali Yuusuf Cali, iyo Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, S/Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud, ayaa maanta gaaray deegaannada Sabiid iyo Caanoole, si dib-u-dejin loogu sameeyo qoysaskii ay kooxda Al-Shabaab ka dumisay guryahoodii, kana barakicisay deegaannadan.
Socdaalkan mas’uuliyiinta ayaa lagu sheegay mid lagu fulinayo ballanqaadkii Dowladda ee xasilinta deegaannada laga xoreeyay Khawaarijta, iyo sidii loo dardargelin lahaa howlaha dib-u-soo-kabashada bulshada.
Dadka deegaanka ayaa lagu wareejiyay guryo cusub oo la dhisay kaddib xoreyntii deegaannadan, waxaana sidoo kale la gaarsiiyay raashin iyo adeegyo gargaar oo loogu talagalay qoysaska danyarta ah. Tallaabooyinkan ayaa la tilmaamay inay qayb ka yihiin dadaallada Dowladda Federaalka ee dib-u-dhiska iyo xoojinta nolol-maalmeedka bulshada ku nool deegaannada xorta ah.
Mas’uuliyiinta ayaa sidoo kale la kulmay odayaasha iyo bulshada deegaanka, iyagoo ka wada hadlay sidii loo sii xoojin lahaa amniga, nabad-gelyada, iyo adeegyada aas-aasiga ah ee bulshada, si looga hortago in kooxaha argagixisada ah ay dib u galaan deegaannadaas.







