Bari, Soomaaliya —Qaar kamid ah Ciidamada Puntland ayaa ka gadooday mushahar la’aanta, iyagoo kasoo dhaqaaqay deegaanka Balidhidin oo katirsan Calmiskaad. Waxay soo baneeyeen furimaha hore ee dagaalka, halkaas oo ay kula dagaallamayeen Daacish tan iyo bishii December 2024.
Ciidamadan oo muddo afar bilood ah aan wax mushahar ah qaadan ayaa sheegay in xaaladdu ay ku adkaatay, isla markaana ay ku qasbanaadeen inay ka baxaan jiidaha hore.
Ilo ku sugan aagga ayaa sheegay in ciidamadaasi ay door muhiim ah ka qaateen dagaalladii ka socday buuraha Calmiskaad, balse ay cabasho xooggan ka muujiyeen daryeel la’aan iyo mushaar dib u dhac ku yimid.
Wararka ayaa tilmaamaya in bixitaanka ciidamadan uu saameyn ku yeelan karo hawlgallada ka dhanka ah Daacish ee ka socda gobolka, maadaama ay ka mid ahaayeen cutubyadii ugu horreeyey ee la geeyey furimaha hore. Mas’uuliyiinta Puntland weli si rasmi ah ugama hadlin arrintan, hase yeeshee waxaa jira dadaallo la sheegay in lagu doonayo xal degdeg ah oo lagu qanciyo ciidamada gadoodsan.
Xaaladda ayaa weli kacsan, iyadoo laga cabsi qabo in gadoodku ku faafo cutubyo kale oo ku sugan jiidaha hore haddii aan si dhaqso ah wax looga qaban cabashooyinka la xiriira mushaharka iyo sahayda ciidamada.




