Addis Ababa —Madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyip Erdogan, ayaa si kulul u dhaleeceeyay tallaabada ay Israel ku aqoonsatay Somaliland, isaga oo sheegay in go’aankaasi aanu wax faa’iido ah u lahayn Somaliland ama guud ahaan Geeska Afrika.
Erdogan ayaa sheegay in uu hore u cambaareeyay tallaabadan bishii December, isaga oo ku tilmaamay mid sharci-darro ah oo aan la aqbali karin, wuxuuna ku eedeeyay Israel inay isku dayeyso inay qalqal geliso xasilloonida Geeska Afrika.
“Waxaan aaminsanahay in dhibaatooyinka gobolka ay tahay in ay xalliyaan dalalka gobolka laftoodu, isla markaana aan Geeska Afrika loo rogin goob ay ku loolamaan quwadaha shisheeye. Marka la eego arrintan, waxaan mar kale ku celinayaa in aqoonsiga Israel ee Somaliland aanu dan u ahayn Somaliland iyo Geeska Afrika toona,” ayuu yiri Erdogan.
Isagoo ka hadlayay caasimadda Addis Ababa ee dalka Ethiopia, ayuu sheegay in Turkey ay qadarinayso madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee dalalka gobolka, isla markaana aysan dooneyn khilaafyo cusub. Wuxuu ku boorriyay dalalka gobolka inay khilaafaadkooda ku xalliyaan wada-hadal, isagoo uga digay in Geeska Afrika uu isu beddelo goob dagaal oo ay ku hardamaan quwadaha shisheeye.
Turkiga ayaa sanadihii la soo dhaafay ballaarisay saameynteeda Afrika, gaar ahaan Soomaaliya, halkaas oo ay ku tababarto ciidamada amniga isla markaana ay xoojisay xiriirka ay la leedahay dalal ay ka mid tahay Ethiopia.
Dhanka kale, Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa joojisay heshiisyadii Imaaraadka, iyadoo ku eedeysay inay taageertay go’aanka Israel. Dowladda ayaa sidoo kale saxiixday heshiis difaac oo ay la gashay Qatar, halka Turkiga ay diyaaradahooda dagaalka u dirtay saldhiggeeda militari ee Soomaaliya si ay u muujiso taageerada ay u hayso dowladda federaalka.




