Taliyaha Ciidanka Xooga Soomaaliya oo Shir Guddoomiyay Shirka La yeeshay Taliska Guud

0

MUQDISHO — Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), Sareeye Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud, ayaa shir guddoomiyay shirka subaxlaha ee Taliska Guud, kaas oo looga hadlayay howlaha socda iyo qorshayaasha mustaqbalka ee ciidanka.

 

Intii uu shirka socday, Taliyaha ayaa warbixin ka dhageystay saraakiisha ka qeybgalay shirka, wuxuuna faray in la xoojiyo diyaarsanaanta ciidamada, isla markaana la garab istaago bulshada si loo fududeeyo bixinta adeegyada muhiimka ah, gaar ahaan iyadoo lagu jiro bisha barakeysan ee Ramadaan.

Sidoo kale, Taliyaha ayaa kula dardaarmay saraakiisha adkeynta isla xisaabtanka iyo daadejinta howlaha, si kor loogu qaado tayada shaqada, una hubiyo in ciidamada ay si hufan uga jawaabaan baahiyaha amni iyo adeegyada bulshada.

Shirka ayaa muujinaya sida ay Taliska Guud ee XDS uga go’an tahay xoojinta howlgallada ciidanka iyo ka qaybqaadashada horumarinta adeegyada bulshada xilli cibaado iyo is-garabsasho lagu jiro.

May be an image of one or more peopleMay be an image of one or more people and text

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here