Dowladda Turkiga oo Qalab Ciidan ku Wareejisay Ciidanka Booliska Gaarka ah ee Harmacad

0

MUQDISHO — Wasiirka Wasaaradda Amniga Gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Jeneraal Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag), ayaa maanta si rasmi ah uga kala wareegay Safiirka Turkiga u fadhiya Soomaaliya qalab ciidan oo loogu talagalay cutub ka tirsan Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, gaar ahaan Ciidanka Booliska Gaarka ah ee Harmacad.

 

Munaasabadda wareejinta qalabka ayaa ka dhacday xarunta Ciidanka Harmacad, waxaana goobjoog ka ahaa Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, S/Guuto Asad Cusman Cabdullahi, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Amniga Gudaha Mudane Yuusuf Cali, iyo mas’uuliyiin kale.

Qalabkan la wareejiyay ayaa lagu sheegay mid casri ah oo sare u qaadaya awoodda howlgal, tababar iyo u-diyaargarowga cutubka, kaas oo dhowaan soo dhameystay tababar sare oo lagu xoojinayay xirfadaha amni iyo la-dagaallanka argagixisada.

Mas’uuliyiinta dowladda ayaa uga mahadceliyey Dowladda Turkiga taageerada joogtada ah ee ay siiso hay’adaha amniga Soomaaliya, iyagoo xusay in qalabkan cusub uu door weyn ka qaadan doono sugidda amniga, xasilloonida iyo la-dagaallanka kooxaha argagixisada ee dalka ka howlgala.

May be an image of one or more people and textMay be an image of text

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here