Muqdisho – Hay’adda Cunnada Adduunka u qaabilsan ee Qaramada Midoobay (WFP) ayaa ka digtay in gargaarkeeda naf-badbaadinta ah ee cuntada iyo nafaqada ee ka socday Somalia uu istaagi karo bisha Abriil haddii aan la helin maalgelin degdeg ah, taasoo malaayiin qof gelin karta khatar macaluul sii xumeyn karta Noloshooda.
Hay’addu waxay sheegtay in qiyaastii 4.4 milyan oo qof ay wajahayaan cunto yari , halka ku dhowaad hal milyan ay la ildaran yihiin gaajo daran. Xaaladdan waxaa sababay roobab isdaba joog ah oo baaqday, colaadaha socda iyo hoos u dhac ku yimid maalgelinta bani’aadamnimo.
Agaasimaha diyaar-garowga iyo ka jawaabista xaaladaha degdegga ah ee WFP, Ross Smith, ayaa sheegay in xaaladdu si degdeg ah uga sii darayso, isagoo ka digay in qoysas badan oo horay u waayay xoolahoodii iyo ilihii nololeed ayna qarka u saaran yihiin xaalado daran. Haddii aan la helin gargaar cunto oo degdeg ah, xaaladdu si dhakhso ah ayay uga sii dari kartaa.
Soomaaliya ayaa bishii Nofeembar ku dhawaaqday xaalad degdeg ah oo abaareed kadib xilli roobaadyo isdaba joog ah oo fashilmay. WFP oo ah hay’adda ugu weyn ee gargaarka ka bixisa dalka ayaa hore u dhintay tirada dadka ay caawinayso, iyadoo ka soo dhigtay 2.2 milyan qof ilaa wax ka badan 600,000 sababo la xiriira dhaqaale yari. Barnaamijyada nafaqada ee haweenka uurka leh, kuwa nuujinaya iyo carruurta yar yar ayaa sidoo kale si weyn loo dhimay.
Hay’addu waxay sheegtay inay u baahan tahay $95 milyan si ay u sii waddo howlaha inta udhexeeya bilaha Maarso iyo Agoosto, iyadoo ka digtay in haddii gargaarku istaago ay ka dhalan karto xaalado bani’aadamnimo, amni iyo dhaqaale oo aad u daran, kuwaas oo saameyntoodu gaari karto meel ka baxsan xuduudaha Soomaaliya.



