Muqdisho – Mudanayaasha Labada Aqal ee ayaa maanta kulan wadajir ah ku yeeshay xarunta Golaha Shacabka, kaas oo ahaa kalfadhiga 7-aad, kulankiisa 20-aad.
Kulanka waxaa shir guddoominayey Guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane , oo ay wehliyaan guddoomiye ku-xigeennada labada Aqal.
Ajendaha kulanka maanta waxa uu diiradda saaray dib-u-eegista Dastuurka Ku-Meel-Gaarka ah ee , gaar ahaan marxaladdiisa labaad iyo ka doodista soo jeedimaha wax-ka-beddelka dastuurka.
Mudanayaasha ayaa si gaar ah uga dooday cutubka 9-aad ee dastuurka, oo ay ku jiraan qodobada 130-aad ilaa 154-aad, kuwaas oo khuseeya arrimo muhiim ah oo la xiriira qaab-dhismeedka dowladeed iyo nidaamka maamul ee dalka.
Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa sheegay in doodda ku saabsan cutubka 9-aad ay sii socon doonto, isla markaana ajendaha wax-ka-beddelka dastuurka lagu amba-qaadi doono kulamada xiga.
Kulankan ayaa qeyb ka ah dadaallada socda ee lagu dhammeystirayo dib-u-eegista Dastuurka Ku-Meel-Gaarka ah, si loo xoojiyo nidaamka dowladnimada iyo sharciyadda dalka.





