Howlgal ka dhan ah Al-Shabaab oo ka dhacay Deegaanno Hoos Taga Maxaas ee Gobolka Hiiraan

0

Hiiraan — Ciidamada Kumaandooska Danab ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan Ururka 163-aad iyo cutubyo ka tirsan Qaybta 27-aad, ayaa howlgal qorsheysan ka fuliyay deegaanno hoos taga degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan, iyagoo ka saaray maleeshiyaadka Al-Shabaab oo halkaas ku sugnaa, sida ay warar rasmi ah u sheegeen saraakiisha ciidamada.

 

Howlgalka ayaa ka dhacay deegaannada kala ah Isgoyska Cusmaan Indhoole, Ganarubad, Inabaale, Cadiimo Xasan Raqay iyo Qoryo-qaad, halkaas oo ciidamada Danab ay si buuxda ula wareegeen gacan ku haynta goobahaasi. Ciidamada ayaa xaqiijiyay amniga guud, iyagoo bilaabay howlgallo baaris iyo sifeyn ah si looga hortago haraadiga maleeshiyaadka ku dhuumaaleysan kara deegaannada la xoreeyay.

Saraakiisha milateriga ayaa sheegay in howlgalkan uu qeyb ka yahay dadaallada sii xoogeysanaya ee ay wadaan Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed, kuwaas oo lagu doonayo in laga xoreeyo shacabka deegaannada ay ku dhibaateynayeen Al-Shabaab, islamarkaana dib loogu soo celiyo maamul iyo amni buuxa oo ay si wadajir ah u sugaan ciidamada iyo bulshada deegaanka.

Tallaabadani ayaa ku soo beegmeysa iyadoo ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka ay horay uga howlgaleen meelo kala duwan oo ka tirsan gobolka Hiiraan, si looga hortago isku dayada Al-Shabaab ay ku doonayaan inay dib ugu soo celiyaan awooddooda gobollada shabeellaha dhexe.

No photo description available.May be an image of one or more people, crowd and twilight

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here