Guddoomiyaha SoDMA oo Soo Dhaweeyay Agaasimaha Cusub ee WFP Soomaaliya

0

Muqdisho – Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle, ayaa xafiiska Hay’adda ku qaabbilay Agaasimaha cusub ee Hay’adda Cuntada Adduunka (WFP) Soomaaliya, Mudane Hameed Nuru.

 

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga labada dhinac, gaar ahaan U-diyaargarowga iyo ka-jawaabista deg-degga ah ee masiibooyinka,Dhisidda adkeysiga bulshada iyo Horumarinta nidaamyada digniinta hore ee masiibooyinka.

Sidoo kale, waxaa laga wada hadlay xaaladda bani’aadannimo ee dalka iyo falanqaynta Nidaamka kala Saarista Heerarka Sugnaanta Cuntada (IPC), si loo helo xog iyo qorshe ka jawaabaya baahiyaha bulshada.

Intaa waxaa dheer, WFP ayaa soo bandhigtay Qorshaha Istaraatiijiyadda Dalka ee 2026–2028, kaas oo la jaanqaadaya qorshayaasha horumarineed ee dowladda Soomaaliya, loona adeegsanayo sidii loo xoojin lahaa taageerada iyo adeegyada bini’aadantinimo ee dalka.

May be an image of one or more people, people studying, table, dais and textMay be an image of one or more people, people studying and dais

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here