Soomaaliya oo Cambaareysay Weerarrada Argagixiso ee Zamfara, Nigeria

0

Muqdisho – Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa si kulul u cambaareysay weerarrada argagixiso ee ka dhacay Gobolka Zamfara ee waqooyi-galbeed dalka Nigeria, kuwaas oo sababay geerida in ka badan 50 qof oo rayid ah, isla markaana lagu afduubtay haween iyo carruur.

 

Soomaaliya waxay muujisay garab istaag buuxa oo ay u hayso dowladda iyo shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Nigeria, iyadoo tacsi tiiraanyo leh u dirtay qoysaska ay ka geeriyoodeen dadkooda, isla markaana u rajeysay bogsasho degdeg ah dadka dhaawacmay.

Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay sidoo kale ku baaqday in si degdeg ah oo shuruud la’aan ah loo sii daayo dhammaan dadka la afduubtay, waxayna taageeraysaa dadaallada dowladda Nigeria ee lagu doonayo in caddaaladda la horkeeno kuwii falalkan geystay.

Soomaaliya ayaa ku boorisay qaaradda Afrika inay midnimo ku wajahdo la-dagaallanka argagixisada, isla markaana mudnaanta siiso ilaalinta shacabka rayidka ah.

May be an image of text

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here