Kismaayo, Soomaaliya – Mas’uuliyiin ka tirsan Dowlad-goboleedka Jubbaland ayaa magaalada Kismaayo kulan wada-hadal ah kula yeeshay wafdi ka socday UNICEF.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga iyo isku-duwidda barnaamijyada bani’aadannimo ee UNICEF ka hirgeliso deegaannada Jubbaland, gaar ahaan dhinacyada waxbarashada, helitaanka biyaha nadiifta ah, nafaqada, iyo daryeelka carruurta iyo haweenka nugul.
Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jubbaland, Maxamed Cabdullaahi Maxamed Axmed, ayaa kulanka kadib warbaahinta uga warbixiyay qodobadii muhiimka ahaa ee laga wada hadlay. Wuxuu sheegay in mudnaanta la siiyay xaaladda abaaraha daran ee ka jira qaybo badan oo Jubbaland, kuwaas oo si weyn u saameeyay nolosha dadka iyo duunyada.
Mas’uuliyiinta Jubbaland ayaa adkeeyay baahida loo qabo in la dardargeliyo gurmadka bani’aadannimo iyo mashaariicda horumarineed si loo yareeyo saameynta abaaraha, loona xoojiyo adkeysiga bulshada.
Kulankan ayaa kusoo beegmay xilli deegaanno badan oo ka tirsan Jubbaland ay wajahayaan abaaro baahsan, taas oo kordhisay baahida loo qabo taageero degdeg ah iyo iskaashi joogto ah oo lala yeesho hay’adaha caalamiga ah.





