Puntland oo si adag uga hortimid jadwalka doorashooyinka ee Guddiga Doorashooyinka Federaalka

0

Garoowe, Soomaaliya – Maamulka Puntland ayaa si adag uga hor yimid jadwal doorasho oo uu shaaciyay Guddiga Doorashooyinka Federaalka, kaas oo lagu sheegay in doorasho gole deegaan oo qof iyo cod ah laga qabanayo gobolka Sool iyo degmooyinka Buuhoodle iyo Galdogob.

 

War-saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Gudaha Puntland ayaa lagu cambaareeyay jadwalkaasi, iyadoo lagu tilmaamay mid sharci-darro ah oo ay soo saareen guddi “lagu muransan yahay”. Puntland ayaa sheegtay in degmada Galdogob ee gobolka Mudug ay hore uga dhacday doorashadii goleyaasha deegaanka Puntland 25-kii May 2023, islamarkaana degmooyinka kale ee lagu daray gobollada Sool iyo Cayn ay dastuur ahaan ka tirsan yihiin Puntland.

Puntland ayaa sidoo kale ku eedeysay guddiga inuu yahay aalad uu adeegsanayo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, si loo abuuro xasarad siyaasadeed, kala qaybin bulsho iyo wiiqidda nidaamka federaalka.

Dhinaca kale, Guddiga Doorashooyinka Federaalka ayaa markii warka Puntland soo baxay kadib liiska ka saaray degmada Galdogob oo markii hore lagu daray degmooyinka Galmudug, iyagoo raalligelin ka bixiyay khaladkaasi.

Guddiga ayaa hore u shaaciyay in ay bilaabayaan doorashooyin gole deegaan oo qof iyo cod ah, kuwaas oo laga qaban doono maamullada Galmudug, Koonfur Galbeed, Hirshabeelle iyo Waqooyi Bari.

Khilaafkan ayaa imanaya xilli ay taagan tahay dood ballaaran oo ku saabsan hannaanka doorashooyinka dalka iyo xiriirka u dhexeeya dowladda federaalka iyo dowlad-goboleedyada.

May be an image of text

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here