Safiirka Soomaaliya ee Koonfur Afrika oo qaabilay Guddoomiyaha Golaha Guud ee Culimada Soomaaliyeed

0

Pretoria, Koonfur Afrika – Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u fadhiya dalka Koonfur Afrika, Danjire Maxamed Sheekh Isxaaq, ayaa si diirran ugu soo dhaweeyay xarunta safaaradda Soomaaliya Sheekh Sheekh Aadan Macallin Sugow (Sheekh Suufi Yare), Guddoomiyaha Golaha Guud ee Culimada Soomaaliyeed, iyo Sheekh Mohamud Cabdul Baari, kuwaas oo booqasho ku yimid dalkaasi.

 

Kulanka soo dhaweynta oo ka dhacay xarunta safaaradda Soomaaliya ee Koonfur Afrika ayaa muujiyay wada-shaqeyn iyo isku duubni ka dhexeysa hay’adaha dowladda iyo culimada Soomaaliyeed.

Danjire Maxamed Sheekh Isxaaq ayaa culimada uga mahadceliyay doorkooda ku aaddan wacyigelinta bulshada, xoojinta midnimada ummadda Soomaaliyeed, iyo ka shaqeynta nabadda iyo xasilloonida. Waxa uu sidoo kale ku bogaadiyay dadaallada ay culimadu ku bixiyaan ilaalinta diinta, dhaqanka iyo qiyamka suuban ee bulshada.

Dhankooda, Sheekh Aadan Macallin Sugow iyo Sheekh Cabdul Baari ayaa safiirka uga mahadceliyay soo dhaweynta diirran, iyagoo carrabka ku adkeeyay muhiimadda iskaashiga ka dhexeeya culimada iyo wakiillada dowladda ee dibadda, si loo xoojiyo xiriirka jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan Koonfur Afrika.

Kulankan ayaa qeyb ka ah dadaallada lagu xoojinayo wadajirka, wada-tashiga iyo horumarinta danaha guud ee ummadda Soomaaliyeed, gaar ahaan jaaliyadda ku nool Koonfur Afrika.

May be an image of one or more people and dais

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here