Safiirka Soomaaliya ee Koonfur Afrika Oo Ka Qeyb Galay Afur Ay Qabanqaabisay Safaaradda Sacuudi Carabiya

0

Pretoria – Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u fadhiya Koonfur Afrika, Danjire Maxamed Sheekh Isxaaq, ayaa ka qeyb galay afur ay soo qabanqaabisay Safaaradda Sacuudi Carabiya ee dalkaas, kaas oo lagu casuumay safiirrada dalalka Islaamka iyo diblomaasiyiin kale oo fadhigoodu yahay Koonfur Afrika.

 

Afurkan diblomaasiyadeed ayaa ahaa mid ay isugu yimaadeen safiirro iyo wakiillo ka kala socday dalalka Islaamka iyo dalal kale, iyadoo diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka walaaltinimo, iskaashiga iyo wadajirka ka dhaxeeya ummadda Islaamka. Kulanka ayaa sidoo kale ahaa fursad lagu xoojiyo xiriirka diblomaasiyadeed iyo is-fahamka ka dhexeeya dalalka saaxiibka ah.

Danjiraha waxaa afurka ku wehliyay culimo marti ku ah dalka, oo ay ka mid ahaayeen Guddoomiyaha Midowga Dalladaha Culimada Soomaaliyeed, Sheekh Aadan Macallin Sugow (Sheekh Suufi Yare), iyo Sheekh Maxamuud Cabdul Baari.

Kulanka afurka ah ayaa ku soo dhammaaday jawi saaxiibtinimo iyo is-dhexgal, iyadoo la adkeeyay muhiimadda wadajirka iyo iskaashiga dalalka Islaamka.

May be an image of one or more people and textMay be an image of text that says "BAMADAN NE MUBABAK"

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here