Muqdisho — Maanta waxaa kulan gaar ah yeeshay xubnaha Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed ee ka soo jeeda dowlad-goboleedka Galmudug, iyaga oo ka wada hadlay xaaladaha abaaraha ee ka taagan deegaanada Galmudug iyo guud ahaan dalka, iyo sidoo kale arrimaha la xiriira habka doorashooyinka ee gobolka.
Kulanka ayaa waxaa lagu dhageystay warbixinno faahfaahsan oo ku saabsan saameynta abaarta, iyadoo xubnaha ka qaybgalay ay isla garteen in la xoojiyo dadaallada gurmadka iyo taageerada dadka ay abaaruhu saameeyeen.
Sidoo kale, xubnaha Golaha Mustaqbalka ayaa si cad u adkeeyay mowqifkooda ku aaddan habka doorashooyinka dowlad-goboleedyada, gaar ahaan Galmudug. Waxay ku baaqeen in doorasho lagu qabto Galmudug si waafaqsan dastuurka dowlad-goboleedka iyo mabaadi’da dastuurka federaalka, iyagoo hoosta ka xarriiqay inaysan ogolaan doonin nooc kasta oo doorasho ah oo ay u arkaan in ay baalmarsan tahay dastuurka.
Xubnaha ayaa si gaar ah uga digay qorshayaasha lagu wado in doorashooyin “hal dhinac ah” lagu qabto Galmudug, taas oo ay sheegeen inaysan sharci ahayn ama aan u hogaansamin qawaaniinta federaalka iyo dastuurka dowlad-goboleedka.
Kulanka waxaa ka qaybgalay siyaasiyiin iyo musharrixi badan oo caan ka ah dalka, kuwaas oo kala ah:
• Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) — Raysalwasaare hore & Musharax Madaxweyne
• Maxamed Xuseen Rooble — Raysalwasaare hore & Musharax Madaxweyne
• Xasan Cali Khayre — Raysalwasaare hore & Musharax Madaxweyne
• Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame — Musharax Madaxweyne
• Cabdullaahi Abuubakar Carab — Wasiir hore
• Maxamed Aden Koofi — Musharrax Madaxweynaha Galmudug








