Muqdisho — Baarlamaanka Federaalka ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku yeelanaya magaalada Muqdisho kulankoodii 23aad ee wadajirka ahaa, iyagoo sii ambaqaadaya doodda dib-u-eegista Dastuurka Ku-meelgaarka ah.
Kulanka ayaa si rasmi ah uga furmay xarunta Golaha Shacabka, waxaana diiradda lagu saarayaa labada cutub ee ugu dambeeya soojeedinta wax-ka-beddelka Dastuurka Qaranka, kuwaas oo kala ah:
Cutubka 12aad: Difaaca iyo Amniga Qaranka – Cutubkan wuxuu qeexayaa qaab-dhismeedka iyo waajibaadka hay’adaha difaaca iyo amniga dalka, iyo sida loo xaqiijinayo sugnaanta qaranka.
Cutubka 13aad: Qodobo Guud – Cutubka
n wuxuu ka hadlayaa qodobo guud oo dhameystiraya dastuurka, kuwaas oo saldhig u ah fasiraadda iyo hirgelinta qodobbada kale ee dastuurka.
Xildhibaannada Labada Aqal ayaa la filayaa inay maanta soo gabagabeeyaan doodda ku saabsan cutubyadan iyo guud ahaan Dastuurka, arrintaas oo loo arko mid muhiim u ah dhammeystirka dib-u-eegista Dastuurka Qaranka.
Doodaha ku saabsan wax-ka-beddelka Dastuurka ayaa waxaa tabashooyin iyo aragtiyo ka muujiyay xubno mucaarad ah oo ku mideysan Golaha Mustaqbalka, kuwaas oo hore uga hadlay hannaanka dib-u-eegista.
Sidoo kale, qaar ka mid ah dowlad-goboleedyada dalka, gaar ahaan Jubaland iyo Puntland, ayaa soo bandhigay walaacyo ku aaddan qaabka iyo hannaan-socodka dib-u-eegista dastuurka, iyagoo ku baaqay wadatashi iyo is-afgarad qaran.
Dhammeystirka cutubyadan ayaa noqonaya tallaabo muhiim ah oo lagu soo afjarayo marxalad dheer oo ku saabsan dib-u-habeynta dastuurka, inkastoo weli ay jiraan doodo siyaasadeed oo ku xeeran qaabka loo marayo geeddi-socodkaas.






