ANKARA, TURKI — Dowladda Turkiga ayaa si rasmi ah u xaqiijisay in ay garab taagan tahay Soomaaliya, islamarkaana beenisay warar sheegaya in nidaamyada difaaca hawada ee S-400 ee Ruushka loo diri doono Soomaaliya.
Burhanettin Duran, oo ah Madaxa Warfaafinta Madaxtooyada Turkiga, ayaa ka hadlay kulan ka dhacay magaalada Ankara isagoo yiri:
“Isku day kasta oo lagu xad-gudbayo madax-bannaanida, midnimada, iyo qarannimada Soomaaliya waa mid aan la aqbali karin. Turkigu wuxuu garab taagan yahay Soomaaliya sidii uu horey u garab taagnaa.”
Dhanka kale, Wasaaradda Gaashaandhigga Turkiga ayaa si cad u sheegtay inaysan jirin wax qorshe ah oo ah in hubka S-400 laga isticmaalo meel ka baxsan Turkiga, waxaana la diiday warar horey usoo baxay oo sheegaya in hubkan loo wareejinayo Soomaaliya.
Turkigu wuxuu saldhig ciidan ku leeyahay Soomaaliya, kaas oo loo adeegsado tababarka ciidamada dowladda. Labada dal ayaa ka dhaxeeya heshiisyo amni iyo kuwo ku saabsan shidaalka, kuwaas oo xoojinaya iskaashiga iyo xiriirka labada dhinac.
Sanadihii ugu dambeeyey, Turkiga ayaa kordhiyay kaalintiisa dhinaca amniga iyo dhaqaalaha ee Soomaaliya, isagoo kaalin muuqata ka qaatay dadaallada lagu xasilinayo dalka iyo dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab.
Sidoo kale, waxaa la filayaa in dhowaan ay xeebaha Soomaaliya ka soo gaarto markab baarayaal shidaal, taasoo imaneysa xilli ay dalka ka jiraan jahwareer doorasho iyo xiisad siyaasadeed.




