GALMUDUG — Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle, ayaa maanta gaaray magaalada Dhuusamareeb, si uu u kormeero xaaladda abaarta ee ka jirta deegaannada Galmudug isla markaana uu u xoojiyo isku dubbaridka howlaha gurmadka bini’aadannimo.
Guddoomiyaha ayaa waxaa garoonka Dhuusamareeb ku soo dhaweeyay mas’uuliyiin ka tirsan Galmudug, oo uu ka mid yahay Wasiirka Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka Galmudug, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Diiriye (Makaawi), iyo xubno ka tirsan Guddiga Abaaraha Galmudug.
Socdaalka Guddoomiyaha SoDMA ayaa la xiriira qiimeyn rasmi ah oo lagu sameynayo saameynta abaarta iyo dar-dargelinta dadaallada gurmadka ee ka socda deegaannada ay dhibaatadu saameysay. Inta uu ku sugan yahay Dhuusamareeb, wuxuu kulamo la qaadan doonaa madaxda dowlad-goboleedka iyo hay’adaha ka shaqeeya arrimaha gargaarka, si loo mideeyo qorshaha wax ka qabashada xaaladda.
SoDMA ayaa horey u shaacisay in ay sii wadi doonto dadaallada lagu xoojinayo jawaabta degdegga ah ee musiibooyinka dabiiciga ah, gaar ahaan abaaraha soo noqnoqda ee saameeya bulshada nugul. Safarkan ayaa qeyb ka ah qorshaha qaran ee lagu dardargelinayo gurmadka iyo gaarsiinta taageero degdeg ah dadka ay abaartu saameysay.






