MUQDISHO — Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya, ahna musharax madaxweyne, Mohamed Hussein Roble, ayaa ka hadlay xaaladda guud ee dalka iyo muddada xil-heynta dowladda, isagoo farriin u diray Madaxweynaha talada haya.
“Madaxweynaha 76 maalmood ayaa maanta u harsan ee dalkani burbur iyo dhib yuusan u horseedin. Waa soomanahay, ma rabo in aan ku fogaado,” ayuu yiri Rooble, isagoo hadalkan ka jeediyay madal uu kaga hadlayay arrimaha siyaasadda iyo jihada dalka.
Rooble ayaa tilmaamay in marxaladda hadda lagu jiro ay tahay mid xasaasi ah, islamarkaana looga baahan yahay hoggaanka sare ee dalka inuu muujiyo masuuliyad, dulqaad iyo tixgelin dastuurka iyo xasiloonida guud ee qaranka.
DAAWO.




