Moscow — Dowladda Ruushka ayaa ku baaqday in si degdeg ah loo joojiyo weerarrada ay Mareykanka iyo Israa’iil ku hayaan Iran, iyadoo ka digtay khatarta ka dhalan karta sii kordhinta colaadda Bariga Dhexe.
Qoraal ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Ruushka ayaa lagu sheegay in beesha caalamka looga baahan yahay inay si degdeg ah u sameyso qiimeyn dhab ah oo ku saabsan waxa ay ku tilmaamtay “falal mas’uuliyad-darro ah” oo halis gelinaya in xasilooni-darro hor leh ay ku faafto gobolka.
Wasaaraddu waxay caddeysay in tallaabooyinka noocan oo kale ah ay khatar ku yihiin nabadda iyo ammaanka caalamiga ah, isla markaana ay sii hurin karaan xiisadaha taagan.
Sidoo kale, Ruushka ayaa sheegay inuu diyaar u yahay, sidii horeba looga bartay, inuu gacan ka geysto dadaallada lagu raadinayo xalal nabadeed oo ku saleysan:
in Sharciga caalamiga ah Ixtiraamka labada dhinac iyo Dheellitirka danahooda.
Moscow ayaa mar kale ku celisay in xal waara lagu gaari karo oo keliya wada-hadal iyo diblomaasiyad, isla markaana laga fogaado tallaabo kasta oo sii hurin karta colaadda.




