Madaxweynaha oo kulan la qaatay Madaxda ururrada Siyaasadda Dalka

0

MUQDISHO — Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa kulan afur ah la qaatay qaar ka mid ah madaxda ururrada siyaasadda dalka, iyadoo laga wada hadlay xaaladda guud ee siyaasadda iyo xoojinta hannaanka dimuqraadiyadda.

 

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray sidii loo horumarin lahaa nidaamka doorashooyinka dalka, loona xaqiijin lahaa ka qaybgal siyaasadeed oo loo dhan yahay. Madaxweynaha ayaa mas’uuliyiinta uga dhageystay talooyin iyo aragtiyo ku saabsan horumarinta hanaanka dimuqraadiyadda, isaga oo ku booriyay in ay sii xoojiyaan wada shaqaynta si firfircoon uga qayb qaataan doorashooyinka qof iyo cod ee la qorsheynayo in laga qabto gobollada dalka.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sidoo kale carrabka ku adkeeyay muhiimadda midnimada, wada tashiga siyaasadeed iyo ilaalinta xasilloonida si loo dhiso dowladnimo dhameystiran oo ku dhisan rabitaanka shacabka Soomaaliyeed.

Ka qaybgalayaasha kulanka ayaa adkeeyey in loo baahan yahay in la sii xoojiyo wadashaqaynta dhismaha hannaan siyaasadeed oo hufan isla markaana loo dhan yahay.

Kulanka waxaa ka mid ahaa Ra’iisulwasaare Ku-xigeenka dalka, Saalax Axmed Jaamac ,Wasiirka Arrimaha Gudaha Federaalka iyo Dib u heshiisiinta, Cali Xoosh,Wasiirka Cadaaladda iyo Dastuurka, Xasan Macalin iyo Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Qaranka, C/xakiim Maxamed Yuusuf.

May be an image of one or more people, dais and textMay be an image of one or more people and daisMay be an image of one or more people and dais

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here