SoDMA Magaalada oo Xeraale ka daahfurtay biyo-dhaamin

0

XERALE, Soomaaliya — Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Maxamuud Macalin Cabdulle, ayaa maanta magaalada Xeraale ee gobolka Galgaduud ka daahfuray biyo-dhaamin degdeg ah oo loogu gurmanayo qoysaska ay abaartu saameysay.

 

Guddoomiyaha SoDMA oo safar shaqo ku maraya deegaannada Galmudug, isla markaana ay wehlinayeen masuuliyiin ka tirsan maamulkaasi oo ay ku jiraan Wasiirka Biyaha iyo Tamarta, Wasiirka Qorshaynta iyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Gargaarka ayaa sheegay in gurmadkan uu gaarayo ilaa 70 booyadood oo biyo ah.

Mas’uuliyiinta ayaa xusay in biyo-dhaamintan lagu yareynayo biyo la’aanta baahsan ee ka jirta Degmada Xeraale iyo nawaaxigeeda, iyadoo la doonayo in si degdeg ah loo gaarsiiyo qoysaska nugul ee ay saameysay abaarta.

SoDMA ayaa sheegtay in dadaallada gurmadka ay sii socon doonaan, iyadoo lala kaashanayo maamul goboleedka iyo hay’adaha kale ee samafalka si loo daboolo baahiyaha degdegga ah ee ka dhashay abaarta.

May be an image of one or more people and text that says "SoDNA"May be an image of Bactrian camelMay be an image of one or more people

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here