Geeridii Ayatullahi Ali Khamene ioo si rasmi ah loo xaqiijiyay

0

TEHRAN – Warbaahinta dowladda Iran ayaa xaqiijisay in Hoggaamiyaha Sare ee dalkaas, Ali Khamenei, lagu dilay weerar ballaaran oo ay fuliyeen Mareykanka iyo Israa’iil, taas oo si weyn u gilgishay mustaqbalka Jamhuuriyadda Islaamiga ah isla markaana sare u qaaday khatarta xasillooni-darro gobolka ka dhalan karta.

 

Wararka ayaa sheegaya in Khamenei oo 86 jir ahaa lagu dilay duqeyn cirka ah oo lala beegsaday xaruntiisa ku taalla bartamaha Tehran. Sawirro dayax-gacmeed oo ay bixisay shirkadda Airbus ayaa muujinaya burbur xooggan oo gaaray goobta la weeraray.

Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump, ayaa ku dhawaaqay geerida saacado ka hor inta aan warbaahinta Iran si rasmi ah u xaqiijin, isaga oo sheegay in tani ay siinayso shacabka Iran “fursaddii ugu weyneyd” ee ay dalkooda dib ugula wareegi lahaayeen.

Madaxweynaha Argentina, Javier Milei, ayaa ammaanay howlgalka wadajirka ah ee Mareykanka iyo Israa’iil, isaga oo ku tilmaamay Khamenei “mid ka mid ah shakhsiyaadka ugu xun uguna rabshadaha badan taariikhda casriga ah.”

Milei waxa uu sidoo kale xusay weerarkii 1994 lagu qaaday xarunta Yuhuudda Argentina ee loo yaqaan AMIA oo ka dhacay Buenos Aires, kaas oo ay ku dhinteen 85 qof boqolaal kalena ku dhaawacmeen. Wuxuu adkeeyay in raadinta caddaaladda weerarkaasi ay weli tahay siyaasad dowladeed.

Warbaahinta Shiinaha ayaa sheegtay in urur lagu magacaabo Iran Federation of Chinese Organizations uu bilaabay diiwaangelinta muwaadiniinta Shiinaha ee ku sugan Iran si loogu daad-gureeyo dalalka dariska ah. Tallaabadan ayaa lagu sheegay inay ku timid talo ka timid Safaaradda Shiinaha.

Safaaradda Shiinaha ayaa sheegtay in xuduudaha dhulka ee ay la wadaagto Azerbaijan, Armenia iyo Turkey ay u furan yihiin dadka doonaya inay iskood uga baxaan dalka.

Dhanka Israa’iil, Safaaradda Shiinaha ayaa kula talisay muwaadiniinteeda inay ka fogaadaan xarumaha magaalooyinka Tel Aviv, Haifa iyo Jerusalem, gaar ahaan meelaha muhiimka ah sida garoomada diyaaradaha iyo xarumaha tamarta.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here