RIYADH — Wasiirka Dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Soomaaliya, Cali Maxamed Cumar, ayaa kulan la yeeshay Wasiir ku xigeenka Arrimaha Dibadda ee Sacuudiga, Waleed Al-Khuraiji, xilli uu ka qeybgalayey shirka khaaska ah ee guddiga fulinta ee furan oo heer wasiirro ah ee dalalka xubnaha ka ah Ururka Iskaashiga Islaamka, kaas oo looga hadlay go’aannada gumeystaha Israel.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xiriirka labada dal iyo sidii loo xoojin lahaa iskaashiga, iyadoo sidoo kale laga wada hadlay xaaladaha ugu dambeeyey ee gobolka iyo arrimaha caalamka.
Waxaa kulanka ka qayb galay sidoo kale Fareed bin Saad Al-Shahri, Agaasimaha Guud ee Laanta Arrimaha Dibadda ee Gobolka Makkah, kaas oo ka qeyb qaatay wadaxaajoodka labada dhinac.
Kulankan ayaa qayb ka ah dadaallada Soomaaliya iyo Sacuudiga ee lagu xoojinayo iskaashiga diblomaasiyadeed iyo wadashaqeynta gobolka.





