Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka oo la kulmay u qeybsanaha Arrimaha Difaaca Safaaradda Talyaaniga

0

MUQDISHO — Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Ibraahim Maxamed Maxamuud, ayaa kulan la qaatay u qeybsanaha Arrimaha Difaaca Safaaradda Talyaaniga ee Soomaaliya, Antonino Mazzocca.

 

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iyo adkeynta xiriirka iskaashi ee ka dhexeeya labada ciidan, gaar ahaan dhinacyada tababarka, qalabeynta iyo tayeynta awoodda Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

Taliyaha ayaa uga mahadceliyey Dowladda Talyaaniga kaalinta ay ka qaadato taageerada joogtada ah ee ay siiso Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, isaga oo xusay in taageeradaasi ay door weyn ka qaadatay dib u dhiska iyo horumarinta ciidanka.

Dhankiisa, Captain (Navy) Antonino Mazzocca ayaa sheegay in dowladdiisu ay ka go’an tahay sii wadista taageerada iyo iskaashiga, iyadoo la tixgelinayo muhiimadda ay nabadda iyo xasilloonidu u leeyihiin Soomaaliya iyo gobolka.May be an image of one or more people, suit, the Oval Office, newsroom, dais and textMay be an image of helicopterMay be an image of one or more people and dais

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here