Muqdisho — Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA), oo kaashanaya saaxiibada caalamka, ayaa howlgal bartilmaameed ah ku dilay horjooge sare oo ka tirsanaa kooxda Al-Shabaab, kaas oo muddo dheer ku jiray liiska raad-joogga.
Howlgalkan qorsheysan ee guuleystay ayaa ka dhacay deegaanka Hantiwadaag oo hoostaga degmada Awdheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose.
Sida lagu sheegay war kooban oo ka soo baxay NISA, howlgalka ayaa si gaar ah loo beegsaday horjoogaha la dilay, iyadoo la xaqiijiyay in uusan jirin khasaare soo gaaray shacabka rayidka ah. Hay’addu waxay xustay in howlgallada noocan oo kale ah ay sii socon doonaan ilaa laga ciribtiro khatarta kooxaha argagixisada ah ee amniga dalka iyo kan shacabka halista ku haya.
Ugu dambeyn, NISA ayaa uga mahadcelisay saaxiibada caalamka taageerada joogtada ah ee ay ka geystaan la dagaallanka argagixisada iyo xoojinta amniga Soomaaliya.




