Mogadishu – Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA), oo kaashanaya saaxiibadooda caalamiga ah, ayaa howlgal qorsheysan xalay ka fuliyay deegaanka Hantiwadaag, oo hoostaga Degmada Awdheegle, Gobolka Shabeellaha Hoose, iyaga oo ku dilay horjooge ka tirsanaa kooxda Al-Shabaab.
Horjoogahan oo adeegsan jiray magacyo ay ka mid yihiin Kamaaludiin Yuunis Maxamed, Saalim Nuur Sheekh Cabdiraxiim, Caraale iyo Cabdullaahi Xasan Cali, ayaa NISA ku tilmaantay inuu ahaa maskaxdii, hagihii iyo isku-duwihii weerarro argagixiso oo geystay khasaare xoog leh.
Sida lagu sheegay war-saxaafadeed ka soo baxay NISA, horjoogahan ayaa si toos ah u maamuli jiray fulinta falal argagixiso oo sababay dhimashada shacab, saraakiil iyo ciidamo ka tirsan hay’adaha amniga Qaranka.
NISA ayaa sheegtay in howlgalkan uu qayb ka yahay dadaallada ay wadaan si loo sugo amniga guud ee dalka, loona wiiqo awooda kooxaha argagixisada ah ee dhibaatooyinka ku haya shacabka Soomaaliyeed.





