SoDMA iyo Guddiga Abaaraha Galmudug oo Gaaray Mudug Gurmad Biyo ahna gaarsiiyey Dadka Abaaraha Saameeyey

0

Mudug – Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle, oo ay wehliyaan Guddiga Abaaraha Galmudug, kuna guda jira maalintii 5-aad safarka gurmad abaaraha ah oo ay ku marayaan deegaannada Galmudug, ayaa maanta gaaray Degmada Af-Barwaaqo ee Gobolka Mudug.

 

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA Mudane Maxamuud Macalin ayaa ku wareejiyay Maamulka Degmada Af-Barwaaqo iyo Guddiga Abaaraha degmada 100 Booyadood oo biyo ah, si loo gaarsiiyo dad ay sida daran u saameeyeen abaaraha ka jira degmada iyo tuulooyinka hoos yimaada.

Intii uu ku sugnaa degmada, Guddoomiyuhu wuxuu kormeer ku sameeyay deegaanno ay ka jirto xaalad nololeed oo aad u adag, halkaas oo ay isku biirsadeen abaar ba’an iyo saameynta isbeddelka cimilada. Fiditaanka bacaadka iyo wadooyinka oo xun, waxay caqabad ku noqdeen helitaanka biyo ku filan iyo in gurmadka si fudud u gaaro qaar ka mid ah deegaannada fogfog.

May be an image of one or more peopleMay be an image of one or more people, camel and text

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here