Garoowe – Dowladda goboleedka Puntland ayaa si kulul u cambaareysay weerar ay sheegtay in saaka abaare 03:00am ay Dowladda Federaalka Soomaaliya ku qaaday xildhibaannada Puntland ku metela labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya, kuwaas oo ku sugnaa Hotel Airport ee magaalada Muqdisho.
Warsaxaafadeed kasoo baxay Puntland ayaa lagu sheegay in weerarkaasi uu sidoo kale sababay afduub loo geystay La-taliyaha Madaxweynaha Puntland ee Arrimaha Bulshada, Mudane Axmed Cabdi Hurre.
Puntland ayaa ku tilmaantay falkan mid “ugub ku ah dowladnimada,” iyadoo sheegtay in aan loo marin hannaan sharci ah, isla markaana aysan jirin wax dambi ah oo ay geysteen xildhibaanada iyo senatarada la weeraray. Sida lagu sheegay bayaanka, hotelka waxaa lagu eedeeyay in si xoog ah loogu daatay, halkaas oo ay ka dhaceen jirdil iyo afduub.
“Wax kasta oo ka dhasha falkaasi foosha xun waxaa masuuliyadeeda qaadaysa Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya,” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka.
Dhanka Dowladda Federaalka Soomaaliya weli si rasmi ah ugama aysan jawaabin eedeymaha ka soo baxay Puntland, inkastoo hay’adaha amniga hore u sheegeen in ay wadeen howlgal la xiriira arrimo amni.
Xiisaddan ayaa imaneysa xilli uu jiro muran siyaasadeed oo u dhexeeya Muqdisho iyo Garoowe, kaas oo ku saabsan arrimo dastuur iyo wada-shaqeynta hay’adaha dowladda.




