Kismaayo – Dowladda goboleedka Jubaland ayaa si cad u muujisay inaysan taageersaneyn wax-ka-beddelka aan dhamaystirnayn ee lagu wado Dastuurka Federaalka Soomaaliya, ka dib wadatashi qoto dheer oo ay ka yeesheen xildhibaanada labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ku matala Jubaland, masuuliyinta heerarka kala duwan ee maamulka Jubaland, iyo qeybo ka mid ah bulshada.
Warse-xaafadeedka kasoo baxaymadaxtooyada maamulka ayaa lagu sheegay in xildhibaanada Jubaland ay ka maqan yihiin geeddi-socodka iyo habraacyada lagu wado wax-ka-beddelka Dastuurka, taasoo micnaheedu yahay in Jubaland aan si rasmi ah loogu matalin natiijo kasta oo ka soo baxda hanaankaas.
Dowladda Jubaland waxay cadeysay in dadka iyo deegaanada Jubaland aan lagu dhaqi doonin go’aan hal dhinac ah oo Dastuurka wax looga beddelo, haddii aan loo marin wadatashi qaran oo loo dhan yahay. Waxay ku adkaysay in dastuur kasta oo lagu meel mariyo hab aan heshiis qaran lagu gaadhin ma noqon karo mid ka turjumaya maslaxada guud ee ummadda Soomaaliyeed.
Sidoo kale, Jubaland ayaa sheegtay in ay u taagan tahay dhammaan xulashooyinka sharci ee ay heli karto haddii mudada-xileedka hay’adaha Federaalka uu dhamaado, iyadoo aan heshiis rasmi ah laga gaarin hanaanka doorashooyinka qaran, islamarkaana ay sii socdaan isku dayo la isugu gaar yeelayo go’aanada masiiriga ah ee aan laga talo gelin dadka reer Jubaland iyo xildhibaanada Jubaland ku matala Baarlamaanka Federaalka.
Dhanka kale, Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si xoog leh u dar-dar gelinaysa wax-ka-beddelka shanta cutub ee Dastuurka ku meel gaarka ah, taasoo si toos ah uga hor imaanaysa madaxda maamulada Puntland iyo Jubaland, kuwaas oo ku tilmaamay hanaanka mid hal dhinac ah oo aan loo dhamaystirin.
Xiisaddan ayaa sii hurineysa khilaafka u dhexeeya Muqdisho iyo maamulada federaalka ah ee Puntland iyo Jubaland, gaar ahaan xilliyada la isku diyaarinayo doorashooyinka iyo wax-ka-beddelka Dastuurka Federaalka.




