Masar iyo Mareykanka oo ka Wadahadlay Xaaladda Soomaaliya iyo Amniga Geeska Afrika

0

Qaahira – Xoghayaha Arrimaha Dibadda Mareykanka, Marco Rubio, iyo dhiggiisa dalka Masar, Badr Abdelatty, ayaa yeeshay wadahadal qadka taleefanka ah oo ay diiradda ku saareen xaaladda ammaan ee Geeska Afrika iyo xiisadaha ka taagan Bariga Dhexe.

 

Wasiirka Arrimaha Dibadda Masar, Badr Abdelatty, ayaa ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay in la dhowro midnimada, madax-bannaanida, iyo bedqabka dhuleed ee Soomaaliya, isagoo si cad u sheegay in Masar ay diiddan tahay aqoonsi kasta oo loo fidiyo Somaliland, taasoo uu ku tilmaamay xadgudub ku ah sharciga caalamiga iyo madax-bannaanida Soomaaliya.

Abdelatty ayaa sidoo kale ka digay in isku day kasta oo lagu aqoonsanayo Somaliland uu horseedi karo cawaaqib xumo saameysa xasiloonida gobolka Geeska Afrika iyo marinka muhiimka ah ee Badda Cas.

Masar ayaa isu diyaarinaysa in toddobaadyada soo socda ay ciidamo u soo dirto Soomaaliya, kuwaas oo qayb ka noqon doona howlgalka cusub ee Midowga Afrika ee taageeraya ciidamada amniga Soomaaliya. Tallaabadan ayaa muujinaysa xiriirka dhinaca ammaanka ee sii xoogaysanaya ee u dhexeeya Qaahira iyo Muqdisho.

Dhanka Mareykanka, Xoghayaha Arrimaha Dibadda, Marco Rubio, ayaa uga mahadceliyay dowladda Masar kaalintii ay ka qaadatay soo daabulidda iyo badbaadinta muwaadiniinta Mareykanka ee ku sugnaa dhulka Masar xilli ay jireen rabshado gobolka ka dhacay.

Ugu dambeyn, labada mas’uul ayaa soo hadal qaaday xiisadda ka taagan Bariga Dhexe, gaar ahaan weeraradii Iran ee ka dhanka ahaa danaha Mareykanka ee Khaliijka iyo weerarada loola jeedo Israa’iil, iyadoo Masar cambaareysay weerarada loola beegsado dalalka Khaliijka iyo dalal kale oo gobolka ah, isla markaana sheegtay inaan loo dulqaadan karin xadgudubka madax-bannaanida qaran.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here