Shiinaha oo Soomaaliya siiyay 2 Milyan oo Doller oo lagu Caawinayo Dadka Abaartu Saameysay

0

Muqdisho – Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle, ayaa si rasmi ah uga guddoomay Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya, Mudane Wang Yu, deeq lacageed oo dhan 2 milyan oo dollar iyo raashin loogu talagalay in lagu caawiyo dadka ay saameeyeen abaaraha ka jira dalka.

 

Safiirka Shiinaha, Mudane Wang Yu, ayaa sheegay in dowladdiisu ay sii wadi doonto taageerada ay siiso shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan gurmadka abaaraha iyo ka hortagga musiibooyinka kale, isagoo tilmaamay muhiimadda ay leedahay in la xoojiyo iskaashiga labada dal ee dhinaca gargaarka iyo horumarinta bulshada.

Guddoomiyaha SoDMA, Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle, ayaa uga mahadceliyay Dowladda iyo shacabka Shiinaha taageerada joogtada ah, isagoo xusay in deeqdan lagu caawin doono dadka ku nool 72 degmo oo ka tirsan gobollada dalka, kuwaas oo ay saameysay abaarta, gaar ahaan 45 degmo oo xaalad degdeg ah ku sugan. Wuxuu sidoo kale carrabka ku adkeeyay in taageeradan ay muhiim u tahay ilaalinta nolosha dadka abaaraha saameeyeen, gaar ahaan carruurta, haweenka, iyo qoysaska nugul.May be an image of one or more people, dais and text that says "2 Renovation & Rehabilitation ofSoDMA otSoDMAMainWarehouse Main Warehouse ed b NedbytheChineseEmbasyinSom by the Chinese Embassy inSo Som in 2 焼 USHIP SHIP&COOPER & COOPER"

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here