TEHRAN – Warbaahinta dowladda Iran ayaa xaqiijisay in Mojtaba Khamenei loo doortay Hoggaamiyaha Sare ee cusub ee dalka Iran, isagoo beddelaya aabbihii, Ayatollah Ali Khamenei, oo lagu dilay weerar ay si wadajir ah u fuliyeen Mareykanka iyo Israa’iil 28kii bishii hore.
Golaha Khubarada Iran (Assembly of Experts), oo ka kooban 88 xubnood oo wadaaddo ah, ayaa soo saaray bayaan ay ku sheegeen in Mojtaba loo doortay xilkaas ka dib “cod go’aan ah.” Goluhu wuxuu ugu baaqay shacabka Iran, gaar ahaan aqoonyahannada iyo culimada, inay u dhowraan midnimada oo ay u ballan-qaadaan adeecid iyo taageero hoggaanka cusub.
Mojtaba Khamenei, oo ah 56-jir ku adag fikirka diinta iyo siyaasadda, marna uma tartamin xafiis dowladeed, balse muddo tobannaan sano ah wuxuu ahaa shakhsi saameyn weyn ku leh Iran, maadaama aad ugu dhawaa aabbihiisa. Mojtaba Khamenei waxa uu dhashay 8 Sebtember, 1969 magaalada woqooyiga-bari ee Mashhad, waana ilmaha labaad ee lixda carruur ee Cali Khamenei.
Waxaa lagu yaqaannaa xiriir qoto dheer oo uu la leeyahay Ciidamada Ilaalada Kacaanka Islaamiga ah (IRGC). Xiriirkani wuxuu soo billowday xilligii dagaalkii Iran iyo Ciraaq ee 1980-kii, markaasoo uu ka tirsanaa guutada “Habib.”
Inkastoo uusan xilal rasmi ah qaban, dadka indha-indheeya siyaasadda Iran waxay u arkayeen inuu yahay qofka gacanta ku haya qaar ka mid ah hay’adaha ugu muhiimsan ee amniga iyo sirdoonka dalkaas Iran.
Wararku waxay sheegayaan in weerarkii February 28, ka dhacay Tehran uusan ku dhiman oo kaliya aabiiisa Ayatollah Ali Khamenei, balse ay sidoo kale ku naf waayeen hooyadiis, xaaskiisa, iyo mid ka mid ah gabdhaha uu dhalay Hoggaamiyihii hore. Mojtaba Khamenei ayaa ka badbaaday weerarkaas maadaama uusan goobta joogin xilligaas.
Doorashada Mojtaba waxaa loo arkaa calaamad muujinaysa in garabka xagjirka ah ee Iran ay weli gacanta ku hayaan awoodda. Tani waxay muujinaysaa: In dowladda Iran aysan diyaar u ahayn wax wada-xaajood ah ama heshiis lala galo reer galbeedka xilligan dhow.
Inkastoo Kacaankii 1979-kii uu xukunka ka tuuray boqortooyadii Pahlavi, haddana magacaabista wiilka Mojtaba Khamenei waxay abuurtay dood ku saabsan in Iran ay u xuub-siibanayso nidaam dhaxal ah. Madaxweynaha Iran, xukuumadda iyo militeriga ayaa soo dhaweeyay magacaabista hogaamiayah cusub, iyagoo balan qaadey inay daacad u noqon doonaan. Banaanbaxyo ayaana Iran ka dhacay oo lagu soo dhaweeyay isbedelka cusub.
Hoggaamiyaha cusub ayaa hadda wajahaya caqabaddii ugu weyneyd, isagoo xilka la wareegay xilli dalku ku jiro dagaal xooggan oo kala dhexeeya Mareykanka iyo Israel oo duqeymaha socda todobaadkii 2aad ku dilay saraakiil sare, wasiiro iyo kumanaan shacab ah. Maraakiib badan oo dagaal aya alaga gubay Iran, waxaana la beegsaday kaabiyaasha dhaqaalaha dalka, sida keydka shidaalka iyo warshadaha sifeeya saliida.
Madaxweyne Trump ayaa sheegay inuusan ku faraxsanayn magacaabista hogaamiyaha cusub ee Iran, isagoo ku hanjabay in uusan sii noolaan doonin “mudo dheer” haddii uusan helin oggolaanshaha Mareykanka iyo Israel oo sababta ay u weerareen Iran ahayd inay hogaan cusub iyaga taabacsan ka dhisaan dalkan saliida qaniga ku ah.




