Madaxweynaha Jubaland oo la kulmay Taliyaha Howlgallada Gaarka ah ee AFRICOM

0

Kismaayo – Madaxweynaha Dowladda Goboleedka Jubaland, Mudane Axmed Maxamed Islaam, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Taliyaha Howlgallada Gaarka ah ee AFRICOM, Maj. Gen. Claude K. Tudor Jr., iyo wafdi uu hoggaaminayo oo booqasho ku yimid Jubaland.

 

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga dhinaca amniga, dardargelinta wada shaqeynta la-dagaallanka Al-Shabaab, iyo taageerada howlgalada lagu xaqiijinayo xasilloonida deegaannada Jubaland.

Taliyaha AFRICOM ayaa bogaadiyay howlgaladii ugu dambeeyay ee si wadajir ah u fuliyay Ciidamada Jubaland iyo Ciidamada Kumaandooska Danab, kuwaas oo lagu jabiyay Al-Shabaab lagana gaaray guulo wax ku ool ah oo amniga kor u qaaday.

Labada dhinac ayaa ku heshiiyay in la sii xoojiyo iskaashiga amni ee Jubaland iyo AFRICOM si loo xaqiijiyo nabad iyo xasillooni waarta oo ka jirta deegaanada Jubaland.

Sidoo kale, Ciidamada maamulka Jubaland ayaa mudooyinkii dambe guulo ka sheegtay howlgalada ka dhanka kooxda Al-Shabaab, iyagoo ka saaray deegaano muhiim ah oo horay ay kooxdaasi ugu sugnaayeen gobolka Jubbada hoose.May be an image of one or more peopleMay be an image of dais and text

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here