Muqdisho – Ciidanka Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa howlgal militari oo guuleystay ku xoreeyay deegaanka Xawaadley ee gobolka Shabeellaha Dhexe, halkaas oo horey ugu dhuumaalaysanayeen xubno ka tirsan kooxda Al-Shabaab.
Warsexaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya ayaa lagu sheegay in guushan ay qayb ka tahay Hawlgalka Badar ee socda inta lagu jiro bisha barakaysan ee Ramadan, kaas oo lagu bartilmaameedsanayo goobaha ay Al-Shabaab gabaadka ka dhigtaan,Howlgalka ayaa lagu burburiyay fariisimo iyo bakhaarro ay kooxdaasi isticmaali jireen, sida lagu sheegay bayaanka.
Ciidamada qaranka ayaa hadda ku howlan xaqiijinta amniga deegaanka Xawaadley, iyadoo sidoo kale ay socdaan hawlgallo lagu baacsanayo haraadiga maleeshiyaadka iyo sifeyn lagu sameynayo goobaha la xoreeyay.
Wasaaradda Gaashaandhigga iyo Taliska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa mar kale adkeeyay in la sii xoojin doono hawlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab, si loo xaqiijiyo amniga shacabka loona ciribtiro meel kasta oo ay isku dayaan inay gabaad ka dhigtaan.



