Farmaajo oo cambaareeyay xarigga bajaajleyda Muqdisho

0

MUQDISHOMohamed Abdullahi Mohamed ayaa si adag u cambaareeyay xarigga loo geystay qaar ka mid ah darawallada bajaajka ee magaalada Muqdisho, kuwaas oo sida uu sheegay si nabad ah u muujinayay cabashadooda ku aaddan sicir-bararka iyo duruufaha nololeed.

Qoraal uu soo saaray, madaxweynihii hore ee Soomaaliya ayaa sheegay in dhallinyarada Soomaaliyeed ee ku shaqeysta bajaajka ay mudan yihiin in la garab istaago, maadaama ay ku shaqeynayaan duruufo adag oo nololeed.

“Waxaan si adag u cambaaraynayaa tacaddiyada iyo xarigga loo geystay gaadiidlayda bajaajka magaalada Muqdisho, xilli ay maanta si nabad ah u soo bandhigayeen cabashadooda ku aaddan sicir-bararka iyo duruufaha nololeed ee ay la halgamayaan,” ayuu yiri Farmaajo.

Farmaajo ayaa ugu baaqay dowladda inay joojiso waxa uu ku tilmaamay cabburinta iyo xarigga lagu hayo dadka cabashadooda muujinaya, isla markaana ay si wadahadal ah uga jawaabto tabashooyinka bulshada.

Sidoo kale, wuxuu ku baaqay in si degdeg ah loo sii daayo dhallinyarada la xiray, isaga oo sheegay in xuquuqdooda ay dammaanad qaadayaan dastuurka iyo shuruucda dalka.

May be an image of text that says "SAXAAFADEED Waxaan adag tacaddiyada xarigga loo geystay gaadiidlayda bajaajka magaalada Muqdisho, ay maanta nabad bandhigayeen cabashadooda ku aaddan duruufaha nololeed ee halgamayaan. Dhallinyarada Soomaaliyeed ee aaminay dalkooda, kuna shaqeynaya duruufaha adag, waxa mudan yihiin garab istaag dulqaado culaysyada iyo canshuuraha ay cabanayaan, sidaas awgeed waxaan adkaynaynaa Dowladda in dhaqannada ay caadaysatay ee xadgudubka iyo xarigga kuwaas jawaabto tabashada bulshada. κa ku cabburinta, oo ay kaga Sidoo kale, Dowladda waxaan ugu baaqaynaa degdeg sii daayo dhallinyaradaas istaagay xuquuqdooda aasaasiga taas dammaanad qaadayaan dastuurka shuruucda kale ee dalka, oo dhiirri galinayna dhallinyarada Soomaaliyeed in aysan niyad jabin hammigooda aamminaadda dalkooda."

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here