Israa’iil oo billowday qorshaha saldhig militari uga sameysanayso Somaliland

0

BERBERA – Warbixin ay daabacday warbaahinta Bloomberg ayaa sheegtay in Israa’iil ay fulinayso qorshe ay saldhig militari iyo xarun sirdoon uga dhisato xeebaha Somaliland, taas oo qeyb ka ah dadaallada ay ku doonayso inay kaga hortagto weerarrada kooxda Xuutiyiinta ee dalka Yemen, kuwaas oo ay taageerto Iran.

Sida lagu sheegay warbixinta, saraakiil ka tirsan Israa’iil ayaa dhowaan booqday dhul ku yaalla galbeedka magaalada dekedda ah ee Berbera, halkaas oo leh meel joog sare ah oo ku habboon ilaalada iyo rakibidda qalabka sirdoonka. Goobtan ayaa qiyaastii 260 kiiloomitir u jirta xeebaha Yemen, taas oo ka dhigaysa meel istiraatiiji ah oo lagu kormeeri karo dhaqdhaqaaqyada militari ee ka socda Badda Cas iyo gacanka Cadmeed.

Warbixintu waxay sheegtay in saldhigga la qorsheynayo loo adeegsan karo ururinta xogta sirdoonka, rakibidda nidaamyo digniin degdeg ah oo ku saabsan gantaallada, iyo sidoo kale fulinta hawlgallo lagu bartilmaameedsanayo Xuutiyiinta si loo ilaaliyo isu-socodka maraakiibta ganacsiga ee mara Badda Cas.

Qorshahan ayaa imanaya iyadoo la sheegay in xiriirka u dhexeeya Israa’iil iyo Somaliland uu sii xoogeysanayo, kaddib markii Israa’iil ay aqoonsatay Somaliland bishii December 2025, arrin la sheegay inay furtay albaab iskaashi amni iyo mid istiraatiiji ah.

Dhanka kale, kooxda Xuutiyiinta ee Yemen ayaa hore uga digtay in joogitaanka Israa’iil ee Somaliland ay u arki doonaan bartilmaameed sharci ah, taas oo sare u qaadi karta xiisadda ka jirta gobolka. Sidoo kale dalal dhowr ah oo gobolka ah, oo ay ku jirto Masar, ayaa muujiyay walaac ku saabsan saamaynta ay arrintani ku yeelan karto amniga Geeska Afrika iyo marin-biyoodka muhiimka ah ee Badda Cas.

Wasiirka Madaxtooyada Somaliland, Khadar Xuseen Cabdi, ayaa Bloomberg u sheegay in inkasta oo aan weli si rasmi ah looga doodin dhismaha saldhig militari, haddana ay jirto xiriir istiraatiiji ah oo dhinacyo badan taabanaya oo u dhexeeya Somaliland iyo Israa’iil.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here