Soomaalia,Shabeellaha Dhexe – Ciidamada Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa howlgallo qorsheysan ka wada deegaanno ka tirsan gobolka Shabeellaha Dhexe, kuwaas oo lagu beegsanayo Xubno ka tirsan kooxda Al-Shabaab ee ku dhuumaaleysanaya dhulka howdka ah.
Howlgaladan ayaa waxaa fulinaya gaar ahaan Ururka 171-aad ee Kumaandooska GorGor, oo ka tirsan Guutada 17-aad Qeybta 1-aad, kuwaas oo ka sameeyay howlgallo sifeyn ah koonfurta deegaanka Masaale ee gobolka Shabeellaha Dhexe.
Saraakiisha hoggaaminaysa howlgalka ayaa sheegay in ujeeddada ugu weyn ay tahay in laga saaro Al-Shabaab goobaha ay gabaadka ka dhigtaan, gaar ahaan meelaha howdka ah ee ay ku dhuumaaleysanayaan. Waxay sidoo kale tilmaameen in howlgaladu ay isugu jiraan sifeyn iyo xaqiijinta amniga, si looga hortago falal ay kooxdaasi qorsheynaysay inay ku dhibaateyso shacabka.
Taliyaha Ururka 171-aad Kumaandooska GorGor, Cabdullahi Mustaf Cali Tima-weyne, oo hormuud u ahaa howlgalka, ayaa sheegay in ciidamada ay sii wadi doonaan howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab ilaa laga ciribtiro dhammaan goobaha ay gabaadka ka dhigtaan.
Taliyaha ayaa sidoo kale xusay in ciidamada ay ka go’an tahay xoreynta iyo sugidda amniga deegaannada gobolka Shabeellaha Dhexe, si shacabka halkaasi ku nool ay u helaan nolol nabdoon.




