Addis Ababa, Ethiopia – Midowga afrika ayaa si kulul u cambaareysay duqayn drone ah oo lagu qaaday magaalada Goma ee bariga Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Koongo, taas oo sababtay dhimashada dad rayid ah oo ay ku jiraan shaqaale samafal.
Bayaan uu soo saaray guddoomiyaha guddiga Midowga Afrika, Mahmoud Ali Youssouf, ayaa lagu sheegay in ururku si weyn uga walaacsan yahay wararka sheegaya in duqaynta drone-ka ee gobolka Waqooyi Kivu ay sababtay dhimashada dad rayid ah, oo uu ku jiro shaqaale samafal, isla markaana ay waxyeello gaartay guryo ku yaal magaalada Goma.
Guddigu wuxuu sheegay inuu si adag u cambaareynayo weerar kasta oo khatar gelinaya nolosha dadka rayidka ah iyo shaqaalaha gargaarka, taas oo ka hor imaanaysa sharciga caalamiga ah ee bini’aadantinimada.
Arbacadii, drone ayaa ku dhacay dhisme hoy u ahaa shaqaalaha gargaarka ee Goma, waxaana ku dhintay ugu yaraan saddex qof, oo uu ku jiro shaqaale ka tirsan UNICEF.
Midowga Afrika ayaa ugu baaqday dhammaan dhinacyada ku lugta leh colaadda inay muujiyaan is-xakameyn buuxda, isla markaana ka fogaadaan tallaabo kasta oo sii kordhin karta xiisadda gobolka. Waxay sidoo kale adkaysay muhiimadda ay leedahay ilaalinta dadka rayidka ah iyo shaqaalaha samafalka ee ka shaqeeya bariga dalka.
Guddiga Midowga Afrika wuxuu sheegay inuu taageerayo dadaallada lagu ogaanayo xaqiiqda dhacdada, iyadoo la sameynayo baaritaan madax-bannaan, isla markaana la ixtiraamayo dadaallada dhexdhexaadinta iyo heshiisyada xabbad-joojinta ee lagu doonayo nabadda iyo xasilloonida bariga dalka.
“Midowga Afrika wuxuu weli si buuxda uga go’an yahay inuu la shaqeeyo dowladda Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Koongo, saaxiibbada gobolka iyo beesha caalamka si loo helo xal siyaasadeed oo waara, loona gaaro nabad waarta,” ayaa lagu yiri bayaanka.
Bariga Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Koongo ayaa muddo sanado ah wajahaya dagaallo hubeysan oo u dhexeeya ciidamada dowladda iyo kooxo fallaago ah. Bilihii u dambeeyay dagaalka ayaa sii xoogeystay, gaar ahaan dagaalka u dhexeeya ciidamada Congo iyo kooxda fallaagada ah ee jabhadda M23 ee gobolka Waqooyi Kivu, gaar ahaan agagaarka magaalada Goma.
Kooxda jabhadda M23 ayaa hadda gacanta ku haysa dhul ballaaran oo bariga dalka ah, oo ay ku jiraan magaalooyinka waaweyn ee Goma iyo Bukavu, kuwaas oo ay qabsadeen horraantii 2025.




