CID oo baaraysa shaqaaqo dhex martay askar ka tirsan Ilaalada Shacabka iyo ilaalada Hotel Dayax

0

MUQDISHO – Sida ay Shabelle u xaqiijiyeen saraakiil ka tirsan Booliska, waxaa CID-da loo gudbiyay askar ka tirsan ciidanka Ilaalada Shacabka iyo ciidamo ilaalo ah oo ka tirsan Hotel Dayax, kuwaas oo maanta shaqaaqo ku dhex martay dhabarka dambe ee hotelka oo ku yaalla degmada Waaberi.

 

Goobjoogayaal ayaa sidoo kale Shabelle u sheegay in shaqaaqadu ay bilaabatay kadib markii ciidanka Ilaalada Shacabka ay qori ka qaadeen nin watay dhar shacab ah, kaas oo ku soo dhacay goob ay ka shaqeynayeen ciidamada. Kadibna ninkaasi wuxuu la soo noqday askar kale oo ka tirsan ilaalada hotelka.

Dhacdada kadib, kiiska waxaa la wareegtay Hay’adda Dambi-baarista Booliska (CID) oo hadda gacanta ku haya ciidamadii ay shaqaaqadu dhexmartay, isla markaana wada baaritaan ku saabsan dhacdada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here