Dowladda Federaalka Soomaaliya oo ka digtay saldhig ciidan oo Israa’iil ay ka dhisato magaalada Berbera

0

Muqdisho – Dowladda Federaalka ayaa soo saartay digniin culus oo ku aaddan in dhulka Soomaaliya loo adeegsado saldhig laga fuliyo hawlgallo milatari, ka dib markii ay soo baxeen warar sheegaya in Israa’iil ay qorsheynayso inay saldhig ciidan ka dhisato deegaannada maamulka Somaliland, gaar ahaan meel ku dhow magaalada istiraatiijiga ah ee Berbera oo ku taal marin-biyoodka Gacanka Cadmeed.

 

Wasiiru-dawlaha Arrimaha Dibadda Soomaaliya, Cali Balcad, oo la hadlay telefishinka Al Jazeera, ayaa sheegay in Soomaaliya aysan doonayn in dhulkeeda lagu dhex daro iska horimaadyo shisheeye ama loo adeegsado qaab sii xogayn kara xaaladda gobolka oo markii horeba xasaasi ahayd.

Wasiirka ayaa adkeeyay in dowladda federaalku ay tahay hay’adda kaliya ee sharciga u leh inay magaca dalka ku gasho heshiisyo dhanka ammaanka ama milatariga ah, wuxuuna xusay in wada-hadal kasta oo ka baxsan qaabkaas uusan lahayn wax saldhig sharci ah.

Digniintan ayaa timid ka dib markii warbaahinta Bloomberg ee Mareykanka iyo idaacadda qaranka Sweden ee Ekot ay sheegeen qorshaha Israa’iil ee ku aaddan saldhiggan, xilli uu sii xoogaysanayo dagaalka u dhexeeya Mareykanka, Israa’iil iyo Iran.

Dhanka kale, wasiirka madaxtooyada Somaliland, Khadar Cabdi, ayaa Bloomberg u sheegay in Somaliland ay hiigsanayso xiriir istiraatiiji ah oo dhinacyo badan leh oo ay la yeelato Israa’iil, inkastoo uu xusay in arrinta saldhigga aan weli si rasmi ah loo go’aamin balse mustaqbalka la falanqayn doono.

Xiisaddan ayaa ku soo aadaysa xilli laga baqayo in dagaalka ka socda Bariga Dhexe uu ku baaho marin-biyoodka Bab al-Mandeb iyo Gacanka Cadmeed, iyadoo kooxda Xuutiyiinta ee Yemen ay horey uga digeen joogitaanka Israa’iil ee gobolka, iyagoo ku tilmaamay bartilmaameed sharci ah.

Isagoo ka hadlayay khatarta gobolka, wasiir Cali Cumar ayaa xusay in xasillooni darrada ka jirta badda cas ay saameynayso guud ahaan Geeska Afrika, wuxuuna ku baaqay in laga fogaado tallaabo kasta oo shacabka Soomaaliyeed u horseedi karta khataro aan loo baahnayn ama ku jiidi karta loolanka juquraafiyeed ee caalamka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here