Roobab Laga Digay Oo Kusoo Wajahan Soomaaliya Xilli Ay Dalka Ka Jiraan Abaaro Baahsan

0

Muqdisho – Xilli qaybo badan oo ka mid ah Soomaaliya ay ka jiraan abaaro baahsan oo saameyn xooggan ku yeeshay dadka iyo duunyada, ayaa waxaa soo baxaya digniino la xiriira roobab culus oo la filayo inay dalka ka da’aan maalmaha soo socda. Abaaraha ayaa loo sababeynayaa dib u dhaca ku yimid roobabkii la filayay, iyadoo sidoo kale ay si weyn u gureen wabiyada Jubba iyo Shabeelle, kuwaas oo ah ilaha ugu muhiimsan ee biyaha dabiiciga ah ee ay ku tiirsan yihiin dadka Soomaaliyeed, gaar ahaan beeraleyda.

 

Dhanka kale, dalalka deriska la ah Soomaaliya sida Kenya iyo Itoobiya ayaa maalmihii la soo dhaafay waxaa ka da’ay roobab mahiigaan ah oo sababay khasaarooyin naf iyo maalba leh. Magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa waxaa ka dhacay daadad xooggan oo ay ku dhinteen ugu yaraan 42 qof, halka dalka Itoobiya la sheegay in roobabka iyo daadadka ka dhashay ay ku geeriyoodeen in ka badan 102 ruux.

Si kastaba ha ahaatee, khubarada cimilada ayaa hadda digniin ka soo saaray roobabkan oo la filayo inay kusoo wajahan yihiin Soomaaliya. Waxaa jirta cabsi laga qabo in roobabkan ay sababi karaan fatahaado ka dhaca wabiyada Jubba iyo Shabeelle, kuwaas oo haddii ay buuxsamaan khatar ku noqon kara dadka ku nool hareeraha wabiyada, gaar ahaan beeraleyda.

Xaaladdan ayaa imanaysa xilli dad badan oo ku nool dhulka miyiga ah ay horey ula tacaalayeen abaaro daran oo sababay biyo yari iyo daaq la’aan, taas oo saameyn ku yeelatay nolol maalmeedka dadka iyo xoolahaba. Khubaradu waxay ka digayaan in haddii aan la qaadin tallaabooyin taxaddar ah, roobabka la filayo ay isu beddeli karaan musiibo kale oo saamaysa bulshada ku nool dhulka beeraha iyo deegaanada wabiyada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here