Muqdisho – Wasiirka Gaashaandhigga ee Somalia, Axmed Macallin Fiqi, ayaa khadka taleefanka kula hadlay Ku-xigeenka Ra’iisul Wasaaraha ahna Wasiirka Gaashaandhigga ee Qatar, Sheekh Sacuud bin Cabdiraxmaan bin Xasan Al Thani.
Intii uu socday wada-hadalka, Wasiir Axmed Macallin Fiqi ayaa muujiyay taageerada iyo garab-istaagga buuxa ee Dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ay la garab taagan yihiin Dowladda iyo shacabka Qatar, kaddib weerarro dhowaan lagu beegsaday gudaha dalkaas.
Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya ayaa si adag u cambaareeyay weerarradaas, isaga oo ku tilmaamay falal ka dhan ah amniga iyo madaxbannaanida Qatar, isla markaana ka hor imanaya qawaaniinta iyo mabaadi’da caalamiga ah.
Ugu dambayn, Wasiir Fiqi ayaa carrabka ku adkeeyay kalsoonida ay Soomaaliya ku qabto in dowladda Qatar ay ka gudbi doonto caqabadahan, isaga oo sidoo kale xaqiijiyay muhiimadda ay leedahay xoojinta xiriirka saaxiibtinimo iyo iskaashiga dhow ee ka dhexeeya labada dal ee walaalaha ah.




