Muqdisho – Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa casuumaad afur-sharafeed ah ku maamuusay Danjiraha Dowladda aan walaalaha nahay ee Qatar u fadhiya Soomaaliya, Danjire Dr. Cabdullaahi Bin Saalim Al-Nucaymi.
Intii uu socday kulanka, Wasiir Fiqi ayaa muujiyay garab-istaagga buuxa ee Dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ay la garab taagan yihiin Dowladda iyo shacabka Qatar, kaddib weerarradii xadgudubka ahaa ee dhawaan lagu qaaday gudaha dalkaas.
Wasiirka Gaashaandhigga ayaa sidoo kale hoosta ka xarriiqay muhiimadda sii xoojinta iskaashiga iyo xiriirka saaxiibtinimo ee u dhexeeya labada dal, isaga oo adkeeyay in Soomaaliya ay si buuxda u taageersan tahay dadaallada ay Dowladda Qatar ku ilaalinayso badbaadada shacabkeeda iyo madaxbannaanideeda.







