Guddoomiyaha SoDMA iyo Wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya oo Ka Wada Hadlay Xaaladda Abaarta

0

Muqdisho – Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka SoDMA, Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle, ayaa xarunta hay’adda ku qaabilay Wakiilka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya James Swan, iyo Ku-xigeenka Ergayga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay, ahna Isku-duwaha Howlaha Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ee Horumarinta iyo Arrimaha Bini’aadannimada, Mr. George Conway.

 

Kulanka labada dhinac waxaa diiradda lagu saaray xaaladaha abaareed ee dalka iyo sidii loo xoojin lahaa gurmadka loo fidinayo dadka nugul ee ay saameeyeen abaaruhu.

Kulanka kadib, labada dhinac ayaa qabtay shir jaraa’id oo wadajir ah, kaas oo ay kaga hadleen xaaladihii ugu dambeeyay ee abaaraha dalka iyo dadaallada socda ee lagu taageerayo dadka ay saameeyeen.

Wakiilka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya James Swan, ayaa sheegay in loo baahan yahay midnimo iyo wadajir si looga gudbo xaaladda abaareed ee dalka, isagoo xusay in Qaramada Midoobay ay sii wadi doonto garab istaagga shacabka Soomaaliyeed ee wajahaya xaaladaha bini’aadannimo,

Sidoo kale, waxuu carrabka ku adkeeyay baahida loo qabo in la helo dhaqaale si loo xoojiyo howlaha gurmadka bini’aadannimada, isagoo xusay in qaabkii gargaarka caalamiga ah loo bixin jiray uu isbeddelay 18-kii bilood ee la soo dhaafay, gaar ahaan dhinaca deeq bixiyeyaasha.

Ugu dambeyn, Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle ayaa uga mahadceliyay James Swan booqashadiisa, isagoo xusay in abaaruhu ay ku sii fidayaan gobollo badan oo dalka ah, islamarkaana waxuu ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed iyo ganacsatada inay door muhiim ah ka qaataan gurmadka dadka ay saameeyeen abaaruhu.May be an image of text

No photo description available.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here