Kampala – Hoggaamiyaha mucaaradka Uganda, Bobi Wine (magaciisa dhabta ah Kyagulanyi Ssentamu), ayaa shaaciyay inuu si qarsoodi ah uga baxay dalka Uganda si uu uga badbaado cadaadis iyo baadi-goob la sheegay inay ku hayeen ciidamada ammaanka, kadib doorashadii madaxtinimada ee dalkaas ka dhacday 15-kii Janaayo.
Doorashadaas waxaa lagu dhawaaqay inuu ku guuleystay madaxweynaha talada haya, Yoweri Museveni, oo helay 71.6% codadkii la dhiibtay sida ay muujinayaan natiijooyinka rasmiga ah. Si kastaba ha ahaatee, Bobi Wine ayaa si adag u diiday natiijadaas, isagoo ku tilmaamay mid lagu shubtay oo aan ka tarjumayn rabitaanka shacabka.
Muddo toddobaadyo ah lama ogeyn halka uu ku sugan yahay Bobi Wine, taasoo dhalisay welwel la xiriira ammaankiisa. Intii lagu jiray muddadaas, taliyaha ciidanka Uganda, Muhoozi Kainerugaba oo ah wiilka madaxweyne Museveni ayaa baraha bulshada ku qoray fariimo loo arkay hanjabaado ka dhan ah hoggaamiyaha mucaaradka, taasoo sii kordhisay walaaca taageerayaashiisa.
Farriin muuqaal ah oo uu soo dhigay baraha bulshada, Bobi Wine ayaa ku sheegay inuu si guul leh uga baxay Uganda si uu u qabto “hawlo muhiim ah oo dibadda ah.” Wuxuu sidoo kale sheegay inuu dib ugu soo laaban doono dalka marka waqtigu habboonaado si uu u sii wado halganka siyaasadeed iyo difaaca dimuqraadiyadda.
Sidoo kale wuxuu u mahadceliyay shacabka Uganda ee sheegay inay qariyeen oo ilaaliyeen intii uu dhuumanayay.
Ciidamada ammaanka Uganda ayaa hore u weeraray guriga Bobi Wine maalin kadib doorashada, taasoo ku qasabtay inuu dhuunto isagoo ka cabsi qaba ammaankiisa. Intii lagu jiray ololihii doorashada, Bobi Wine wuxuu si gaar ah u helay taageerada dhalinyarada magaalooyinka, isagoo noqday musharraxa ugu caansan ee la tartamay Museveni.
Dhanka kale, Madaxweyne Museveni oo 81 jir ah ayaa la filayaa in mar kale xilka loo dhaariyo bisha May, taasoo noqon doonta markii toddobaad ee uu xilka qabto. Haddii sidaas dhacdo, wuxuu ku dhowaanayaa nus qarni oo uu talada dalka Uganda hayo.
Taageerayaashiisa waxay ku ammaanaan inuu dalka keenay xasillooni iyo nabad, taasoo ka dhigtay Uganda meel ay ku nool yihiin boqolaal kun oo qaxooti ah oo ka yimid dalalka deriska. Si kastaba ha ahaatee, mucaaradka iyo qaar ka mid ah siyaasiyiintii hore ee la shaqeyn jiray ayaa ku eedeeya inuu si tartiib tartiib ah u wiiqay dimuqraadiyadda iyo xorriyadda siyaasadeed ee dalka.




